Wararka laga helaayo garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in uu kusoo wajahanyahay Jan Eliasson oo ah ku xigeenka Banki-moon, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, si uu kulamo ula qaato madaxda qaranka sidoo kalana uu u indha indheeyo hananka AMISOM, maadaama ay Muqdisho iyo dalka oo dhan ku joogaan ogolaanshaha Qaramada Midoobay.
Socdaalka Jan Eliasson ayaa waxa uu kamid yahay dadaalka ay wado qaramada Midoobay ee ah in Soomaaliya laga kaabo soo laabashadeeda kadib labaatan sano oo ay dalka ka jireen dagaallo isugu jira, kuwa sokeeye iyo kuwa diimeed intaba.
Lama sheegin inta uu qaadan doono socdaalka sarkaalkaan hasa yeeshee inta badan waxaa dhacda in saraakiisha derejada sara leh socdaalkooda dalka uu u noqdo mid aan qaadan in kabadana saacado kooban.
Idale News Muqdisho