Ismaciil Cumar Geelle oo Muqdisho soo Gaaray & Qorshaha Safarkiisa

0
231

Muqdisho (INO) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Cismaaciil Cumar Geelle ayaa goordhow soo Gaaray Muqdisho, Qorshaha Safarkiisa ayaa la sheegay in uu ku Qotomo laba Ujeedo oo uu Maanta Muqdisho u yimid.

 

geele

Midda Koobaad ayaa ah in uu ka Qeybgalo Maalinta Afka Soomaaliga oo Xuskeedu Muqdisho ka dhacayo ayna Imaanayaan Dhamaan Dadka Afka Soomaaliga ku Hadla Xubno Metelaya, qeybta Labaad ee Safarkiisa ayaa lagu sheegay in ay tahay in uu doonayo in Amaanka Soomaaliya uu Talooyin ka siiyo DFS iyo Wasiirrada Cusub oo uu Qaarkood la Kulmi doono.

Tan dadka ku Hadla Afka Soomaaliga ayaa la sheegayaa in Muqdisho loo soo Rarayo Akadeemiyadda Afka Soomaaliga, Dhismaheeda ayaa la sheegay in uu Dhagax Dhigayo Madaxweynaha Dowladda Jabuuti.

Dhanka Amaanka Jabuuti Kaalin Muuqata ayey ku laheyd Soomaaliya oo waxaa Dalka Jooga Ciidamo ay Dowladda Jabuuti soo Dirtay kuwaa oo DFS iyo Shacabkeedaba ku Gacan siinaya soo Noqoshada Amaankii iyo Kala Dambeyntii uu Dalku lahaa.

Madaxda Maanta Dalka Imaanaya waxaa ka mid ah oo kale Xubno ka Socda Kenya iyo Itoobiya, kuwaa oo Dhulkood Qaarkii Af-soomaaliga looga Hadlo.

Idale News  Online , Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here