Isku Aadka Semi-finalka Champions League Oo La Soo Saaray(Daawo Sawirada).

0
216

Kooxda ceyrsaneysa koobkeedii 10aad ee Champions League Real Madrid ayaa semi-finalka Champions League waxa ay qoorta isku geli doonaan kooxda difaacaneysa koobkaan ee Bayern Munich.

Kulankaan ayaana dabcan ah kulanka ugu weyn semi-finalka Champions League iyadoo labadaan kooxood aysan isku cusbeen waxaana ay markii afaraad isku arkayaan semi-finalka. Waxaana ugu danbeysay kulankii ay rigoorayaal ku badisay Bayern Munich ee semi-finalkii 2011-12.

Kulanka kale ee xiisaha leh ayaa ah in Atletico Madrid ay lugta hore soo dhaweyn doonto kooxda Chelsea oo koobkaan hanatay 2012, halka Atletico ay ciyaareyso semi-finalkeedii ugu horeysay muddo 40 sanadood ah.

Waxaana kulankaan xiiso ka leh go;aanka Uefa ee goolhaye Courtois iyagoo ku qasbaya Chelsea inay u ogolaato goolhayaha inuu ka horyimaado islamarkaana iska ilowdo heshiiskii lacagta ahaa ee ay la galeen Atletico Madrid.

Dhanka kale waxaa semi-finalkaan ka soo bixi kara final ay isagu yimaadaan kooxaha reer Spain Real Madrid iyo Atletico Madrid, ama ku celiska finalkii 2012 ee Bayern Munich iyo Chelsea.

Isku Aadka Semi-finalka Champions League:
Real Madrid v Bayern Munich
Atletico Madrid v Chelsea

Semi-finalka lugta hore waxaa la ciyaari doonaa 22ka iyo 23ka April halka lugta labaad la ciyaari doono 29ka iyo 30ka April. Finalka Champions League waxaa la qaban doonaa maalinta sabtida 24ka May iyadoo uu finalka ka dhici doono garoonka kooxda Benfica Estádio do Sport Lisboa.





 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Idale News Online, wararka Ciyaaraha.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti