Qoryoley(INO) — Dagaal u dhaxeeyay Al-shabaab iyo ciidammo ka tirsan dadka deegaanka ayaa xalay ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose, sida uu sheegay guddoomiyaha degmadaas, Maxamed Sh. Cismaan oo warbaahinta hadal siiyay.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagaalka uu billowday 10:00 fiidnimo kaddib markii ay Al-shabaab weerartay Qoryooley, kaasoo socday illaa 4:00 habeenimo ee xalay, wuxuuna guddoomiyaha degmadaas uu sheegay in dagaalka uu khasaare nafeed dhaliyay, balse aanu hayn qiyaas tiro ah.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Qoryooley ayaa xusay inaysan jirin ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo ku sugan degmadiisa, isagoo sheegay inay bil ka hor ka baxeen degmadaas cidamadii ku sugnaa.
“Al-shabaab ayaa nasoo Weerartay, Waxaana iska Difaacay Ciidamada Deegaanka ee loo yaqaan madaniga, ciidan dowladda Somalia kasocda ma joogaan degmada, waxayna ka baxeen bil ka hor, balse degmada waxaa jooga ciidamada AMISOM oo xeryahooda ku xarooda 4:00 galabnimo, illaa subaxdii 10:00 aroonimana xeryahooda ayay ku jiraan, shacabka degmaduna cabsi weyn ayaa haysa, iyagoo ka baqaya in degmada ay si fudud gacanta ugu gasho Al-shabaab, ciidamada madaniga ah ee Qoryooleey difaacayana hub badan ma haystaan,” ayuu yiri guddoomiyaha Qoryooley.
Ugu dambeyn, ma jirto hadal ay weli Al-shabaab kasoo saartay warkan ku saabsan inay xalay ku dagaalameen degmada Qoryooley ciidammo madani ah, oo ka yimid dadka degmadaas deggen dhexdooda.
Idale News Online, Qoryoley