Muqdisho(INO)-Kooxo bistoolado ku hubeesan oon wali heebtooda la garan ayaa agagaarka Xarunta Shirkada Isgaarsiinta Hurmuud ee Suuqa Bakaaraha waxa ay ku dileen mid kamid ah Injineerada ka shaqeeya Shirkadaasi.
Mid kamid ah Shaqaalaha Shirkada Hurmuud oo la hadlay warbaahinta ayaa noo xaqiijiyay in kooxo bistoolado ku hubeesan agagaarka xaruntaasi ku dileen Injineer Maxamed Xuseen Gooni.
Kooxihii Dilka u geestay Injineer Gooni ayaa lagu waramay in ay goobta isaga baxsadeen, waxaana halkaasi gaaray ciidamo katirsan Dowlada oo ka sameeyay howlgalo aysan kasoo bixin wax natiijo muuqdo ah.
Lama oga cida ka dambeysa Dilka Injineerkan oo kamid ahaa Shaqaalaha Shirkada Isgaarsiinta Hurmuud, mana jirto ilaa hada cid sheegatay Masuuliyada Dilkaasi, waxa uuna dilkan qeyb ka noqonayaa dilalka inta badan ka dhaca Magaalada Muqdisho.
Idale News Online, Muqdisho.