Hub uu Mareykanka siiyay Mucaaradka Suuriya oo u gacan galay Al-Qaacida

0
221

News York(INO)— Hub uu Mareykanka siiyay Mucaaradka Suuriya ee dhex dhexaadka ah ayaa waxaa uu u gacan galay Jabhadda Al-Nusra Front ee xiriirka la leh Ururka Al-Qaacida.

nusra front

Dagaalyahanada Suuriya ee uu tababaray Mareykanka ayaa la sheegay in hubkii dagaalka ee la siiyay ay ku wareejiyeen Jabada Al-Nusra.

Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in sababta ay dagaalyahanada Mucaaradka hubka ugu wareejiyeen Kooxda Al-Nusra ay aheyd, si ay u helaan marin xasilooni ay ku gudbaan.

Afhayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa walaac ka muujiyay hubka lagu wareejiyay Al-Qaacida, waxaana Mareykanka sheegay inuu baaritaan ku haayo arrinta hubkaas.

Mucaaradka Suuriya ayaa ku wareejiyay Al-Nusra lix gawaarida dusha ka furan, rasaas iyo agabyo kale oo u dhigma afar meelood meel qalabkii uu Mareykanka siiyay.

Kooxaha Fallaagada ayaa qeyb ka mid ah Suuriya kula dagaalama Dowladda Bashar Al-Asad, iyadoo aanay xilligan mideysneyn kooxaha mucaaradka, hadana waxaa jira dagaalyahano Islaamiyiin ah oo iyana dagaal kula jira Xukuumadda Suuriya.

Kooxda isku magacawday Khilaafada Islaamka ee Daacish iyo Jabhada Al-Nusra ayaa qeybo ka mid ah Suuriya gacanta ku haya, waxaana sidoo kale Kooxaha Islaamiyiinta ay qudhooda yihiin kuwo aan mideysneyn.

Idale News Online, News York

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here