Howlgallo dad lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay Magaalada Marka

0
217

Marka ( INO)-Ciidamada Maamulka Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa howlgallo waxa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaaladaasi.

Howlgallada ayaa Ciidamadu waxaa la sheegay in ay ku soo qab qabteen illaa 14 qof oo 10 ka mid ah markii dambe la sii daayay.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Max’ed Xuseen Shiino oo warbaahinta u warramay ayaa sheegay in dadka 4-ta qof ah ee laga reebay dadkii Howlgallada lagu soo qab qabtay loo heysto tuhun ku aadan in ay wax ka ogaayeen qaraxyo shalay ka dhacay Magaalada Marka.

Dhinaciisa Guddoomiyihii hore ee Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Max’ed Cismaan Yariisow oo Shabelle wareysi siiyay ayaa ku eedeeyay amni darrida Magaalada Marka hareysay guddoomiyaha Cusub ee Magaaladaasi, Xasan Cumareey oo uu tilmaamay in uu dhibaato Magaalada uga soo abaabulayo Magaalada Muqdisho waa sida uu hadalka  u dhigaye.

Shalay ayaa 2 qarax Ciidamada AMISOM lagula weeraray gudaha Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Idale News Online, Marka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here