Wargeyska The Stander ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoray, sheeko ku saabsan meydka nin xiran dharka ciidamada oo lagu jiidjiiday waddooyinka Kismaayo.
Waxa ay ahayd bishii Septermeber kowdeeda sannadkii 2012-ka, xilu subax ah ayaa waxaa adduunyada ay ku baraarugtay arrin naxdin legh oo ay sameesay kooxda Al Shabaab.
Meydka nin xiran dharka ciidamada ayaa lagu jiidjiiday waddooyinka magaalada Kismaayo, dad badan waxa ay soo xusuuisay sannadkii 1993-dii xiligaas oo dagaal ogayaal ay Muqdisho ku jiidjiideen askar Maraykan ah.
Bogga Twitter ee Al Shabaab maamusho ayaa la soo galiyay meydka askariga waddooyinka lagu jiidjiidaayay, waxaana ay sheegeen in tllaabaadaas sameyn doonaa haddii gacanta ku dhigaan askarta Kenya.
Haddaba hooyada dhashay wiilkaas ayaa saxaafadda la hadashay.
Suleymaan Aadan waa askariga meydkiisa lagu jiidjiiday Kismaayo, wuxuu ka tagay deeganka Isyeelow halkaasoo laga qabsaday markii la afduubanaayay.
Ciidanka Kenya ayaa ballan qaaday in ay sameyn doonaan wax kasta oo ku saabsan siddii meydka Suleymaan dib loogu soo celin lahaa gurigooda.
“Wiil keyga markii uu soo koraayay wuxuu rabay in uu noqdo askari oo difaaca dalkiisa,” Hooyadiis Aamina ayaa sheegtay.
Aad ayeey uga calool xumaatay sidda la yeelay meydka wiilkeeda, waxaana ay sheegtay in uu jiray 23-sanno markii la dilaayay.
Suleymaan ayaa ahaa cayaartoy kubadda cagta, sidoo kale aabihiis Adan Idema,waa askari wuxuu ka mid yahay askarta loo daabulay dalka Koonfurta Sudan halkaasoo uu ka hayo howllo nabadeed.
Tan iyo markii uu billowday howgalka Operation Linda Nchi bishii October 11, 2011 Kenay waxa ay ciidamo badan u dirtay dalka Soomaaliya kuwaasoo ka howgalada magaalada Kismaayo iyo qaybo ka mid ah Jubbooyinka.
Xigasho: standardmedia.co.ke.
Idale news Online.