Garisa(INO)-Nin Kenyan ah oo herey macallin uga ahaa Gaarisa, ayaa la sheegay inuu yahay maskaxda soo hindistay weerarka Jaamacadda Gaarisa, oo ay haystaan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.
Ninkaas oo lagu magacaabo Maxamed Kuno, ayaa waxa ay dowladda Kenya horey madaxiisa u dul dhigtay shan milyan oo Kenya Shilling ah, waxaana uu ahaa baxsad tan iyo bishii December, markaasi oo la shaaciyey inuu ahaa taliyihii abaabulay weerarkii Mandhera oo Al-Shabaab ay ku dishay 58 Kenyan ah.
Weerarka iminka uu ka agaasimay Gaarisa, ayaa la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 18 qof, dad bandanna weli lagu haysto.

Warbixin amni oo kooban oo dowladda Kenya ay soo saartay ayaa lagu sheegay in Kuno uu ahaa maamulaha iyo macallin ka tirsan iskuulka Madarasa Najax ee Gaarisa.
Waxa uu sidoo kale adeegsadaa saddex magac oo kale oo kala ah Sheekh Maxamed, Dulyadeyn iyo Gacmadheere.
Kuno ayaa ku biiray Islaamiyiinta Somalia xilligii maxkamadaha islaamiga, wuxuuna u wareegay kooxda Al-Shabaab sanaddii 2009.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya inuu qoyskiisa u adeegsado fulinta qaar ka mid ah weerarada ka dhanka ah Kenya.
Kuno ayaa ah hoggaamiyaha Al-Shabaab ee gobollada Jubbooynka, waxaana uu madax ka yahay howlgallada dibedda ee Al-Shabaab, gaar ahaan qeybta Kenya.
Idale News Online, Garisa