Heshiis hordhac ah oo ay gaareen Xubnaha barlamaanka Digil & Mirifle iyo Hogaanka Dhaqanka iyo Waxgaradka Beelahaasi

0
183

Xildhibaanadii digil iyo mirifle iyo odey dhaqameedyada beelaha D&M oo dhowr qodob ku heshiiyey maalintii shalay ahayd maantana la filaayo in si wada jir ay ugu dhawaaqaan qodobada heshiiska waana kuwa hoose ku qoran

1- In la isku raacey dhisida Maamulka 6-da gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Berito Prof. Jawaari, Xildhibaanada iyo 41 Malaaq ee DIGIL & MIRIFLE oo si wada jir ah loogu dhawaaqo in 6/da Gobol aan kala go’eynin lana soo dhiso doono mudo 30 cisho gudahooda.

jawaariBay6

2- Inuu furan yahay Shirka Maamul usameynta 6-da Gobol EE kala ah: JUBADA HOOSE, JUBADA DHEXE, GEDO, SHABEELAHA HOOSE, BAY IYO BAKOOL.

3- In dhisitaanka heer degmo ee Maamulka 6-da Gobol laga bilaabo Gobolka SHABEELAHA HOOSE.

4- in Mooshin la horgeeyo Baarlamanka Heshiiskii dhowaantan lagu gaaray Addis Ababa kaas oo loo arkay inuu yahay khiyaano Qaran.

Dhanka kale, warar kale oo aan si hoose ku helnay ayaa sheegaya inay labada dhinac waa xildhibaanada iyo odayaasha dhaqankee ay isku raaceen in shirkii Addis ababa iyo heshiiskii halkaas lagu gaarayba yihiin wax kama jiraan.

JawaariBaydhabo1 JawaariBaydhabo2 JawaariBaydhabo3

Idale News Online