Muqdisho(INO)— Hay’adda WFP ayaa sheegtay in ay hubinayso raashinka ay ciidamada amaanka ee Soomaaliya qabteen xilli ay hay’addu u waday gobalka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.
Layla Cali, oo ah sarkaalka u qaabilsan xafiiska WFP ee Soomaaliya dhanka xiriirka, ayaa qadka teleefanka ugu sheegtay SONNA in aysan rumaysnayn WFP, in raashin gaargaar ah oo dhacay uu u yaalo Muqdisho, balse waxa ay intaa raacisay in ay hubnayso WFP haddii badeecadeeda loo kaydiyay si aan wanaagsanayn oo ka dibna ay waxyeelo soo gaartay intii ay sugaysay daabulidda.
“Si wanaagsan ayay uga warhayaan dadka aan caawino in muhiimadeenna koowaad ay tahay xaqiijinta tayada iyo badqabka caawinaadda aan bixino, waxaanna isticmaalaa cabirka ugu sareeya si aan u hubinno arinkaas” ayay SONNA u sheegtay Layla Cali.
Mar aan waydiinay su’aal ahayd, in badeecada lasoo bandhigay ay ku dhagnayd calaamadda WFP, ciidamada amaankuna sheegeen in ay ku waqtiyaysnayd Sanadkii 2015, Sarkaalka WFP waa ay ka gaabsatay.
Sawirrada laga qaaday badeecadaas ayaa muujinaya in uu badalmay midabka cuntada qaar ka mid ah, Sarkaal Booliska Soomaaliya ka tirsan ayaana sidoo kale u sheegay SONNA in uu arkay saliid ka mid ah waxyaabaha la qabtay taas oo dhacday Sanadkii hore.
Ciidamada Amaanku waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaan rasmi ah, isla markaana ay xireen mid ka mid ah hawlwadeenada WFP oo fududaynayay dhoofinta badeecadaas oo ku socotay dad baahan oo ku nool gobalka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.
WFP ayaa caawisa dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo ku nool xaalado bani’aadamnimo, Hase ahaatee waxaa lagu dhaliilaa in ay bakhaarada ku hayso deeq badan isla markaana aanay gaarsiin dadka u baahan xilli ku haboon.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay