Muqdisho(INO) — Hay’ad ka faalloota Arrimaha Deegaanka oo lagu Magacaabo [One Earth Foundation] ayaa Warbixin ay soo saartay Maanta ku Sheegtay in Kalluumeysiga Sharci-darrada ah uu si aad ah ugu soo kordhayo xeebaha Somalia, iyadoo intaas ku dartay in kalluumeysigan aan sharciga ahayn laga sameeyo dhaqaale gaaraya in ka badan 300-Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.
Burcadbadeedda Somalia ayay Ha’yaddu sheegtay inay hoos ugu dhigeen Kalluumeysiga Sharci-darrada ah ee Maraakiibta Shisheeyaha ay ka sameeyaan Xeebaha dalka Somalia.
Warbixintan ayaa lagu xusay in Maraakiibta ugu badan ee Xeebaha Somalia ka sameeya ay intooda badan leeyihiin Dalal ku yaalla Qaarada Aasiya oo ay ka mid yihiin Maraakiib laga Waddamada Iiraan iyo Yemen.
Sidoo kale, Warbixintan ayaa ayaa lagu sheegay in Kalluumeysigan Sharci-darrada ah uu hoos u dhigay saamiyada kalluunka Somalia, iyagoo jillaabtay in ka badan saddex jibbaar kalluunka ay Soomaalidu jillaabtaan.
Hay’addan ayaa warbixinteeda ku xustay in Soomaalidu ay kalluunka ka helaan dhaqaale Gaaraya 50,000 oo Milyan oo Doollar Sannad walba, Halka Maraakiibta Shisheeye ay ka Sameeyaan Kalluumeysiga Sharci-darrada ah in ku dhow 300-Milyan oo Doollar.
Badaha Soomaaliya ayay sheegtay Hay’addu inay Qani ku yihiin noocyada kala duwan ee Kalluunka Sida; Tunnaha, kuwaas oo ay Xustay in si aad ah looga iibiyo Qaar ka mid ah Dalalka Calaamka.
Dhanka kale, Hay’adda ayaa xustay in kalluumeysiga Sharci-darrada ah ay dhanka kale ku lug leeyihiin Maraakiib laga leeyahay dalalka Yurub, Taasoo ay xustay sheegtay inay keeni karto inay dib u soo laabtaan Burcad-badeeddii Soomaaliya.
Burcadbadeedda Soomaaliya ayaa ah kuwo inta badan ku Andacooda in ay Difaac u yihiin Kalluumeysiga sharci-darrada ah ee xeebaha Somalia ay ka wadaan Maraakiibta shisheeye.
Ugu dambeyn, Hay’ada One Earth Foundation ayaa warbixinteeda Maanta ku xustay inay suuro-gal tahay inay Burcad-badeedda Somalia dib u billaabaan Afduubyada Maraakiibta, iyadoo horraantii sannadkan laba Markab oo dalka Iiraan laga leedahay oo looga shakiyay inay si kalluumeysi sharci-darro ah ka wadeen xeebaha Somalia ay qabteen Burcadbadeeda Soomaaliya.
Idale News Online, Muqdisho