Kampala(INO)-Xeer ilaaliye hogaaminaysay dacwad loo heysto 13 ruux oo lagu eedeeyay inay Al-Shabaab ku taageereen weerarkii sanadkii 2010 ka dhacay dalka Uganda ayaa la toogtay gelinkii dambe ee shalay, sida Booliska Uganda ay sheegeen.
Joan Kagezi, ayaa ahaa kaaliyaha xoghayaha xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Uganda ayaa waxaa toogtay kooxo hubeysan oo la socday mooto, kadib markii ay kusii jeeday gurigeeda kadibna ay eryadeen.
Patrick Onyango, oo ah Afhayeenka ciidamada Booliiska Uganda ayaa sheegay in dadka weerarka geystay ay wateen mooto kadibna ay toogteen goobtana ay ku dhimatay, sida booliska ay sheegeen.
Saraakiil ka tirsan Booliiska ayaa gaaray goobta falka dilka ah uu ka dhacay si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa baaritaanka dilka Haweenaydaasi.
Haweenayda la toogtay ayaa ku jirtay dacwad loo heystay inka badan 10 ruux oo lala xiriiray ururka Al Shabaab oo sanadkii 2010 ku dilay magaalada Kampala inka badan 70 ruux, waxaana la ogeyn dadka dilkooda ka dambeeyay.
13-ka ruux ee maxkamada lasoo taagay ayaa u kala dhashay dalalka Kenya, Uganda iyo Tanzania, dhamaantoodna waxa ay ku eedeysan yihiin kiis SHabaabnimo.
Booliiska ilaa hada ma cadeyn cida loo maleynaayo inay ka dambeeyeen dilkaan, hayeeshe raggii dilka geystay oo watay Mooto ayaa ka baxsaday goobta falka dilka ah ay ka fuliyeen.
Idale News Online, Kampala, Uganda