Halkee La Geynayaa Ciidamada Dowladda Itoobiya Ay U Tababartay Dowlada Koonfur Galbeed?

0
321

Baydhabo(INO)-Dowladda Itoobiya ayaa tababar siisay ciidamo gaarayo ilaa 400 ruux oo uu yeelanayso Dowlada Koonfur Galbeed Somalia. Tababarka waxa soo xiray madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadam.

k4

Hadaba Shabakadda Warbaahinta Idale News Online  oo isku dayday inay wax ka ogaato halka la geynayo ciidamadan ayaanay noo suurta galin in si sax ah wax uga ogaano, ma la geynayaa goobaha bulshada Koonfur Galbeed  ay uga baahan yihiin ciidamo ilaaliyo nabadegelyaadooda? waa su’aal ay is weydiinayaan muwaadiniinta degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose ee dhibaateysan.

Goobaha aadka ugu haboon in Ciidamada Dowlada  Koonfur Galbeed Soomaaliya   loo dhisay  la geeyo waxaa ka mid ah Degmooyinka Afgooye, Baraawe iyo Qoryooley. Degmooyinkan ayaa dadka degan waxay dhibane u noqdeen burcad dhaqaalahooda u soo shaqo tagtay, waxaana cunaqabateyn iyo cadaadis xooggan ku haayo maleeshiyo beeleed ku qaraabto Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya  oo ay halkaasi ay geysay dowladda Soomaaliya.

Ugu Dambeyntii Dowlada Itoobiya ayaa ku fakaraysa in ciidamadan la dhisay ay ka qayb qaataan kaliya dagaalada Alshabaab lagula jiro, ma muuqdo qorshe ciidamo Koonfur Galbeed lagu keenayo degmooyinka aan soo sheegnay.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here