Wararka naga soo gaaraya Magaallada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa waxa ay sheegaya in gowr dhow la dhaawacay Gudoomiye ku-xigeenkii hore Maamulkii KMG Kismaayo Coll. Yaasiin Nuur Gaas oo ku magac dheer Raadeer.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Col.Raadeer uu gowr dhow soo gaaray Dhaawac, isagoona dhaawiciisa loola cararay Isbitaalka Ciiddamadda Kenya lagu dabiibo ee ku yaalla garoonka Magaalada Kismaayo.
Sarkaal ka tirsan Ciiddamadda Raaskambooni ayaa waxa uu xaqiijiyay Dhaawaca Coll. Yaasiin Nuur Gaas “Raadeer”, isagoona sheegay inay dib kasoo sheegi doonaan faah faahin dhameystiran ee ku saabsan dhaawiciisa.
Askarigii dhaawaca geystey oo ka tirsanaa isla askarta hoostaga maamulkii hore kismaayo gaar ahaan guutadii uu Yaasiin Raadeer uu madaxda u ahaa ee ku wada sugnaa dekada ayaa la qabtey. waxaana loo dhaadhiciyey xarunta xasbiga maamulka ilaa go’aan ay maamulka ka gaaraayo xaalkiisa
Idale News Muqdisho