Gudoomiye Jawaari Oo Koonfur-galbeed Madaxdooda Talooyin Siiyay kulan ka Dib.

0
183

Waxaa xaley kulan wada yeeshay madaxweynaha  dowlad goboleedka koonfurgalbeed ee soomaaliya mudane madoobe nuunow maxamed iyo wefdi la socday oo uu ka mid yahay madaxweyne kuxigeenkiisa iyo gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya pro Maxamed sheikh cusmaan jawaari.

Kulankaan oo ay uga hadleen arimo ay ka mid tahay dowlad goboleedka koonfurgalbeed ee soomaaliya iyo arimo ku saabsan hormarinta deegaanadaasi sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen sidii loo samatibixin lahaaa umada soomaaliyeed gaar ahaan reer koonfurgalbeed oo madaxweynadooda kulanka qeyb ka ahaa.

Maxamed sheikh cismaan jawaari oo ka hadlay munaasawada ayaa sheegay in wax faragelin ah lagu sameynkarin Dowlad goboleedka koonfurgabeed ee soomaaliya, waxaana uu intaas ku darey in midnimada umada koonfurgalbeed soomaaliya ay tahay muqadas.

Prof Jawaari ayaa madaxda iyo wasiirada maamulka koonfurgalbeed kula taliyay in ay la hadlaan cidkasto wax tabaneysa isla markaana qanciyaan si loo gaaro yoolka dowlad goboleedka ee koonfurgalbeed soomaaliya.

Kulanka ayaa ku dhamaaday waji farxad leh iyadoona madaxdii la kulantey jawaari ay sheegeen in ay aqbaleen talooyinkii jawaari u soo jeediyay.

Jawaari& KGS

Idale News Online, Muqdisho.