Gudoomiyaha Midowga Jaamacadaha KGS Oo La Kulmey Safiirka Dalka Turkiga Ee Soomaaliya

0
268

Muqdisho(INO)- Gudoomiyaha Midowgda Jaamacadaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Jaamacada Koonfurta Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay Prof. Maxamed Cali Kalaay ayaa kullan Magaalada Muqdisho kula qaatey Safiirka Dalka TurkigaU fadhiya Dalka Soomaaliya Mr. Olgan Baker.

Kalaay iyo safiirka Turkiga

waxaana kulankaasi looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay in Dowladda Turkiga ay u taagyeerto Jaamacadaha Ku Yaalla Degaanada Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana ay ka taagyeerto tayeyta iyo Weliba Qalabeynta Qaar ka mid ah Xafiisyada Midowga Jaamacadaha KG Soomaaliya.

Sidoo kale Gudoomiyaha Midowga Jaamacaha KG Soomaaliya Prof. Maxamed Cali Kalaay iyo Safiirka dalka Turkiga Ee U fadhiya Soomaaliya Mr.Olgan Baker ayaa ka wada hadleyey sida loo hirgelin karo mashaariic hormarineed oo ay walaalaha Turkigu ka hirgelinayaan Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana ay ka qiib qaadanayaan Jaaamacadaha KG Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Dowlada Turkiga ayaa Wadanka Soomaaliya waxay ka wada Mashaariic kala Gedisan iyadoona boqolaal ardey Soomaaliyeed ah ay wax ku baranayaan Dalka Turkiga.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here