Gudoomiyaha Degmada Afgooye Xaaji Gaabow Oo Dagaal Loogu Hanjabay(yaa u hanjabay?)

0
322

Ninka Sheegta gudoomiyaha deegaanka Lafoole Xuseen Jilacow ayaa dagaal ugu hanjabay Gudoomiyaha degmada Afgooye Xaaji Gaabow.

Xuseen Jilacow oo la hadlay idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in ay gacmaha iskula tegayaan gudoomiyaha degmada Afgooye Xaaji Gaabow, taas oo uu sababteeda ku sheegay canshuur uu doonayo Xaaji Gaabow in uu qasab uga qaado Lafoole.

Lafoole waa deegaan hoosyimaada degmada Afgooye balse qaab beeleed aan waafaqsanayn shacbiga ay Beesha gobolada dhexe degta degmo uga dhigatay, uuna u fududeeyay wasiirkii hore ee arimaha gudaha Cabdisamad Sheekh Xasan.

Gudoomiyaha degmada Afgooye ayaa ka soo jeedaha Beelaha Digil, ninka sheegta gudoomiyaha deegaanka Lafoolana waxa uu ka soo jeeda beesha Duulaanka ku  ah Gobolka  Sh.Hoose.

muadane abditaax iyo Xaaji Gaabowbow

Idale News Online, Afooye.