Munaasabad uu xilka kula wareegayay gudoomiyaha cusub ee dagmada Afgooye oo ay ka qeybgaleen maamulka gobalka Shabeellada hoose iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu qabtay xarunta dagmadaasi Afgooye.
Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha mudane Cali Abtidoon Xalane, guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose saraakiil ciidan iyo bulashada degmadaasi.
Gudoomiyihii hore ee degmadaasi Col C/llaahi Cabdi Axmed Iideey ayaa soo dhaweeyay maamulka cusub, isagoo xilka maamulka degmadaasi ku wareejiyay guddoomiyaha cusub xaaji Gaaboow Cusmaan.
Sidoo kale gudoomiyaha cusub ee degmadaasi Xaaji Gaaboow Cusmaan oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa ballan qaaday inuu wax badan ka qaban doono horumarka degmada Afgooye, isagoo ka dalbaday bulshada degmadaasi iney gacan ka siiyaan gudashada waajibaadkiisa.
Idale News Online, Afgooye.