Baydhabo(INO)-Gudoomiyaha Cusub Ee Degmada Baydhabo Mudane Cabdulaahi Cali Mohamed Watiin ayaa ka hadley dhiiro gelinta waxbarashada ardada Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Gudoomiye C/laahi Cali Watiin mar uu u waramaayey warbaahinta Idale News Online ayaa waxaa uu u hambalyeeyey Ardada Degmada Baydhabo Ee fadhiisatey imtixaanka mideysan ee Wasaaradda waxbarashada ka qaadeysey sida kalsoonida leh ee ay ugaleen.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale guulo iyo natiijo wanaagsan u rajeeyey Ardeya isla markaana Gudoomiyaha ayaa soo dhoweeyey Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya shaqada ay ka wado Magaalada Baydhabo.
Si kastaba ha ahaatee,Gudoomiyaha Wuxuuna ku tilmaamey mid horumar iyo midnimo keeneysa maadaama uu wadanka soo marey burbur xoogan.
Ugu Dambeyntii Gudoomiya ayaa balan qaadey in dhiiro gelin loo sameyno doono dhamaan ardada si ay uga badbaadaan falalka dhibaatada keenaya loo adeegsado dhalinyarada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Mustafe Garabey, Idale News Online, Baydhabo