Gudoomiyaha Barlamaanka Prof Jawaari oo xirey Kalfadhigii aan Caadiga aheyn ee Barlamaanka iyo xildhibaanada oo bil fasax galey

0
191

Kalfadhigii aan caadi aheyn kulankiisa18aad ayaa maanta Mudanayaasha Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya waxa ay ku yeesheen magaalada Muqdisho,  iyadoo  Ajandaha shirka uu ahaa, sameynta shuruucda Axsaabta Siyaasiga ah iyo xiritaanka Kalfadhiga aan caadiga aheyn.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) waxaana la guda galay ka doodida sameynta heeraraka Axsaabta Siyaasiga ee dalka,iyadoo mudanayaasha Baarlamaanka ay afkaar kala gadisan ka dhiibteen.

barlamankaSomalia gabdhahaBarlaamka kalfadhigaBarlamaanka profJawaari

Ajandaha oo ay soo gudbiyeen qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa hergelinta shuruucda Axsaabta Siyaasiga ah taas oo ay sheegeen in looga gudbi doono qaabka qabiilaysiga ee hada wax lagu qeybsado.

Dood kulul oo ay xildhibaanadu ka yeesheen qodobkaasi ka dib  waxaa la isku mari waayay go’aan ka gaarista sharciga axsaabta dalka kaasi oo ay xildhibaanada qaar soo gudbiyeen ayaa dib loogu balamay in laga doodi doono marka uu furmo kalfadhiga sedaxaad ee baarlamaanka.

Gabagabadii kulanka afhayeenka baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa waxaa uu sheegay in sharcigani  gudi loo saari doono si uu uga soo talo bixiyo,waxana ku waafaqeen inta badan mudanyaasha Barlamaanka Soomaaliya.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa intii ay ku guda jireen kalfadhigooda aan caadiga ahayn waxa ay meel mariyay dhowr hindiso sharciyeed oo ay xukuumada u soo gudbisay.