Gudomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tall : “Al shabaab & ONLF oo wadajir ah ayaa wado Dagaalka Aato”.

0
236

Gudoomiyaha Gobolka Bakool, Maxa’ed Cabdi Tool ayaa shaaca ka qaaday in Kooxda Al shabaab & Jabhadda ONLF ay si wadjir ah ugu dagaalamayaan Deegaanka Aato oo ku dhaw Xadka Ethiopia.

Teaser Image Gud. Gobolka Bakool: Al shabaab & ONLF oo wadajir ah ayaa wado Dagaalka AatoIsagoo Weraysi siinayay Idaacadda VOA Laanteeda Afka Soomaaliya, Gudoomiye Tool ayaa sheegay in markii Ciidamada Dowladda Ethiopia xireen Wadooyinka gala dalkaasi ee Xadka ku yaalla ay Jabhadda ONLF billowday in ay ka bar-bar dagaalamaan Kooxda Al shabaab ee ku sugan Deegaanka Aato.

Al shabaab & ONLF ayaa ka danbeeyay Dagaaladii ugu danbeeyay ee Todobaadkan ka dhacayay Deegaanka Aato ee lagu qaaday Ciidamada Dowladda Federaalka ah & AMISOM, kaasi oo Khasaaro badan geestay,“ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Bakool.

Wuxuu sheegay in Jabhadda ONLF ee deganaa dhanka Xuduuda ay kasoo guureen Saldhigyadooda oo hadda ay yimaadeen Deegaanada Al  Shabaab ay ka joogaan ee Gobalka Bakool, ee ku dhaw Xuduuda si ay Fursad ugu helaan in ay Weeraraan Ciidamada Ethiopia.

“ONLF waxa ay ku biireen Al Shabaab waxa ayna doonayaan in  ay u gudbaan dhanka Ethiopia, maadaama Wadadii ay mari lahaayeen ay Al Shabaab joogaan, sidaasi awgeedna ay ka qala qeyb qaadanayaan Dagaalka lagula jiro Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Deegaanka Aato,” ayuu yiri Tool.

Gudoomiyaha Gobolka Bakool, ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay isk caabiyeen Weeraro dhowr ah oo Todobaadkan ay kusoo qaadeen Deegaanka Aato Al shabaab & ONLF, isagoo intaasi ku daray in ay socdaan Qosrhooyin lagu sugayo Amaanka Deegaanada Xadka ku yaalla.

Idale News  Online-, Xudur , Bakool