Muqdisho(INO)-Gudoomiyihii ugu horreeyay ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Dr. Cabdi Sheekh Aadan Maxamed ayaa saakay waaberigii ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Marxuumka ayaa muddooyinkaan dambe ku xanuunsanaayay Magaalada Muqdisho oo uu saaka ku geeriyooday.
Marxuumka ayaa ifka ugu tagay labo xaas iyo caruur isugu jira rag iyo dumar.
Marxuumka ayaa saakay lagu aasay qabuuraha degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ayna ka qeybgaleen aaska xildhibaanno , siyaasiyiin, waxgarad, .maamulka degmada, Culimaa’udiin iyo qeybaha bulshada.
Allah ha u naxasiitee Dr. Cabdi Sheekh Aadan Maxamed wuxuu ku dhashay degmada Buur-hakabo ee gobolka Bay sanadkii 1923-kii.
Wuxuu ku soo barbaaray magaalada Muqdisho oo uu kaga baxay dugsiga qur’aanka iyo dugsiga hoose, dhexe iyo sare.
Sanadkii 1940-kii wuxuu ka mid noqday raggii loo diyaariyay in wasaayada ay siiyaan Soomaaliya .
Sanadkii 1950 ,waxaa waxbarasho heer jamaacadeed ah loogu diray Jaamacad ku taalla dalka Talyaaniga, wuxuuna ka soo qalin jabiyay Kuliyadda cilmiga siyaasadda, isagoo dalka kusoo laabtay sanadkii 1957Sanadkii 1960- kii ilaa 1964-kii waxaa loo magacaabay guddoomiyihii Bangiga dhexe ee Soomaaliya.
1968-kii waxaa loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalad Paris ee dalka Faransiiska.
Lixdameeyadii laba mar ayuu isu soo sharraxay madaxtinnimada Soomaaliya, inkastoo uusan ku guuleysan.
Sanadkii 1970-kii wixii ka dambeeyay waxuu ahaa ganacsade, islamarkaana ka shaqeeya howlaha samafalka.
Idale News Online, Muqdisho