Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Tarsan oo sheegay in Shabaab weli ku sugan yihiin degmooyin Muqdisho ka mid ah

0
200

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa cadeeyey in Al-shabaab ay wali awood ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, shir xalay Muqdisho ka dhacay ayaa Gudoomiye Tarsan wuxuu sheegey in inta badan Degmooyinka Muqdisho laga soo dhaweyo Al-shabaab oo wali degmooyinka qaarkood aad looga jecel yahay.

Hadalka kasoo yeerey Tarsan wuxuu cadeynayaa in awoodii Al-shabaab ee Magaalada Muqdisho ay wali jirto balse ay waji cusub u badasheen, wuxuu kaloo Tarsan cadeeyey in shacabka Muqdisho ay aad u taageeraan Al-shabaab halaka Dowlada Federaalku ay ku xereysan tahay Villa Soomaaliya iyo qaybo yar oo magalada kja mid ah.

Degmada Howlwadaag ayuu Tarsan ku amaaney iney la dagaalamaan al-shabaab halka uu degmooyin dhowrana ku tilmaamey kuwo soo dhaweeya Al-shabaab.