GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA OO KUDHAWAAQAY WAQTIGA UU FURMAYO FADHIGA BAARLAMAANKA.

0
180
Ku-simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shaaciyey maanta xiliga uu furmayo Kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan ku wareglinayaa dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya meel kasta oo ay joogaan in uu si rasmi ah u furmi doono Kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka 22ka bishan March ee aynu ku jirno sidaas darteed waxaan ka codsanayaa Xildhibaannada
iney u diyaar garoobaan furitaanka Kalfadhiga 4aad, si waafaqsan Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka ”ayuu yiri Ku-simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

“Ugu dambeyntii waxaa dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka laga doonayaa inta maalinta Sabtida ah ee ay taariikhdu ku beegantahay 22ka-March-2014,9:00AM Subaxnimo Mudane Kasta kursigiisa xaadir ku ahaado, si uu u guto waajibaadka Dastuuriga ah ee uu u dhaatrtay” ayuu kusoo
gebagebeeyey hadalkiisa Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

profJawaari

 Idale News Online, Muqdisho.