Muqdisho (INO) – Guddi uu Barlamaanka Soomaaliya u saarey dib u eegista heshiiskii madashada madaxda dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka dhowaan ku gaareen magaalada Muqdhisho ayaa wax ka bedel ku sameeyey qaar ka mid ah qodobadii heshiiska.
Qodobadda Guddiga wax ka bedelay waxaa ka mid ah:
- In Tirada dadka dooranaaya halkii xildhibaan lagu soo koobo 25 xubnood (24 xubnood iyo 1 oday dhaqan), halka markii hore ay ka aheyd 50 xubnood.
- In dib loo soo celiyo guddigii doorashada ee barlamaanka horey u ansixiyey, isla markaasna gabi ahaanba meesha laga saaro qodobka heshiiska madasha ee dhismaha labo guddi doorasho oo cusub oo heer federaal iyo heer maamul goboleed ah.
- In dhismaha aqalka sare oo ka kooban 5 maamul goboleed lagu daro gobolka Banaadir , hase ahaatee aan laga badan tiradii hore ee 54 xubnood, isla markaasna maamulada Puntland iyo Somaliland laga soo jaro 3da xubnood ee dheeraadka ah oo heshiiskii hore lagu siiyey.
- In meesha laga saaro saxiixa madaxda maamul goboleedyada ku yeelan doonaan soo xulista xildhibaanka cusub, bedelkoodana lagu soo koobo oo kaliya saxiixa duubabka dhaqanka iyo guddiga doorashada.
Wax ka bedelkaan ama nuqulkaan cusub ee heshiiska guddiga barlamaanku soo diyaariyey ayaa laga yaabaa in dhowaan la hor keeno barlamaanka Soomaaliya si loo ansixiyo. Hase ahaatee lama oga in madaxda maamul goboleedyada iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh dhankooda ay ku qanci doonaan iyo in kale.
Idale News Online, Mogadishu