Baydhaba: Shirka dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ahi waxaa loo dhaariyey gobolaha Guurtida ee KG soomaaliya ; kuwaasoo ka kooban sida la sheegey 6o xubnood oo ay isugu soo dhex xuleen dhamaan beelaha wada dega 6da Gobol ee KG soomaaliya.
Xaflada Dhaarinta maanta waxa ka soo qiib galey, waxgarad,siyaasiyiin, ergada shirka oo tiradoodu ay gaareyso 1005 nuux iyo qiibaha kala gedisan ee bulshada ku dhaqan Magaalada caasimada ahi Baydhaba janaay.
Guud ahaan nidaamka dowlad Goboleedka KG soomaaliya, ayaa waxa uu ka kooban yahay labo golle sare, waa Golaha guurtida & Baarlamanka. waxaana xaflada dhaarinta maanta ku soo idlaatey jawi wanaagsan.
Maalin dhaweyd ayey ahayd ka dib markii la saarey calanka dowlad koonfur galbeed soomaaliya, iyo sidoo kale horey waxa loo ansaxiyey dastuurka maamulkaasi uu yeeshey.
sidoo kale waxa goobta xaflada dhaarinta golaha guurtada koonfur galbeed soomaaliya,ka socotey ay ku soo bandhigeen Fanaaninta Gobolada Arlaadi: gabayo, heeso iyo weliba guubaabo ku aadana qiimaha ay lee yihiin nadbada iyo hormarka.
Ugu dameyntii golaha guurtida KG soomaaliya ayaa dooran doona dhawaan madaxweynaha Dowlada koonfur galbeed soomaliya iyo ku xigeenkiisa, waana tani guul taariikh ahi oo ay sameeyeen odayaasha iyo siyaasiyiin mug weyn ku leh bulshada KG soomaaliya.
xasan basha ismaciil.
idale News Online, Baydhaba.