Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa goor dhow ansixin doona qaraar fasaxaya in la baaro maraakiibta lagu tuhunsan yahay in ay ku xadgudbayaan cunoqabataynta hubka iyo dhoofinta dhuxusha ee saaran dalka Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso
Golaha ayaa sidoo kale Mudo Kordhin u sameeyay Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya,si loo Xaqiijiyo Amaanka Soomaaliya kala danbeyntii dalkana dib loo soo celiyo.
Wakaalada wararka ee AFP ayaa daabacday in ay heshay nuqul ka mid ah go’aanka taasoo lagu amrayo dowlada Soomaaliy inay warbixin buuxda ka keento hubka ay keensatay tan iyo markii la qafiifiyay cunoqabatayntii hubka ee saarnayd Soomaaliya sanadkii hore.
Sidoo kale qaraarkan oo ay soo diyaarisay dowlad Britain ayaa waxaa ugu baaqayaa dowlada Soomaaliya in ay warbixin ka keento hubka ay haysato,sida ay u isticmaasho sanad walba labo jeer bilaha March iyo September.
Qaraarka ayaa waxa uu fasaxayaa muddo 12 bilood ah in la baari karo maraakiibta loogaga shaki qabo in ay jebinayaan cunoqabataynta.
Qaraarkan ayaa soo baxaya xilli dhowaan golaha ammaanka ee QM ay u gudbiyeen guddiga dabagalka cunoqabataynta hubka ee wadamada Soomaaliya iyo Eriterea.
Guddigan ayaa ku eedeeyay dowlada Soomaaliya in hubkii ay keensatay ay qaar ka mid ah gacanta u galeen ururka Alshabaab isla markaana lagu arkay suuqyo hubka lagu iibiyo ee magaalada Muqdisho.
Idale News Online, New York