Godoomiyaha Degmadda Marka oo Wacad ku Marey in Sacaadaha Soo socodo ay hurin Doonto Magaalada marka, Ka dib Markii saaka ay La Wareegtey Beesha Habargidir.

0
306

Waxaa Saakay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelada hoose , Weerar kusoo qaaday sida uu sheegey Maleeshiyada Dowlada oo garab siinaya Beesha  Habargidir ee looga itaalka roonaaday Aaagaga Ceelwareegow iyo Lambar Konton.

markacadey--620x330

Maleeshiyada Dowlada oo wata gaadiid aad u badan ayaa waxey saakay kusoo jarmaadeen Magaalada Marka, waxaa hada magaalada Marka ka socda Barakac xoogan oo ay sameynayaan Shacabka ku dhaqan Magaalada Marka.

Ciidamada Dadka deegaanka  Beesha Bimaal ayaa Magaalada Marka ka Jooga Sedexda Jiho ee Magaalada laga soo galo, waxaana guud ahaan ka socodo Gobolka dhaqaaq ciidan oo ay sameynayaan Ciidamada dadka  deegaanka.

Deegaanka  Lambar konton iyo deegaanada Fida Muuse, Ceelwareegoow, Fida labi, iyo Ceeljaale waxaa ku sugan Ciidamada dadka  deegaanka, Ee beesha Biyomaal  Maleeshiyada Dowlada las sheegey ee Saakay weerarka soo qaaday waxey xalay ka baxeen difaacyo badan Oo la’isku hor fadhiyay Gobolka Shabeelada hoose iyagoo xoogooda isugu geeyay Magaalada Marka.

Gudoomiyaha Magaalada Marka Maxamed Cusmaan Yariisoow ayaa sheegay in Ciidamada dadka deegaanka  Ee beesha Biyo mal ay Isticmaalayaan Taatikooyin dagaal, waxaa kalo uu sheegay in dagaalka Iminka uu u dhaxeeyo Beesha Biimaal iyo Maleeshiyada Dowlada Federaalka, waa sida hadalka u dhigee ee.

Gudoomiyaha Magaalada Marka ayaa wacad ku maray in waqtiyada nasoo aadan uu Magaalada Xoog uga soo saarayo Beesha Habargidir. lagu sheego Ciidan Qaran.

waafow

Wixii Warar ah ee kasoo kordha Xaalada Magaalada Marka kala soco Shabakada Idale news online  Insha’allah.

Idale News Online, Markacey. Nagala Soo Xariir Email idalenewsonline@gmail.com