Gobolka Hiiraan: Xildhibaanada ka soo jeeda oo beeniyay war ka soo yeeray Cali Cosoble

0
178

Idalenews:Gobolka Hiiraan ayaa beeniyay war ka soo yeeray Madaxweynihii hore Cal C/llaahi Cosoble, kaasoo ahaa in Xildhibaanada aan deegaanka ku laheyn Jowhar ay ku heysato xaalado amni dari, isla markaana lagu haayo handadaad.Kulan Xildhibaanada ku yeesheen magaalada Jowhar ayaa waxay waxba kama jiraan ku tilmaamay warkaas, waxaana ay sheegeen in nabad ku heystaan Jowhar.

Xildhibaanada ayaa kulankooda ka soo saaray war murtiyeed, waxaana ay ugu baaqeen Madaxweynihii hore Cali Cosoble inuu joojiyo warka xanafta leh, isla markaana aysan jirin cid la handaday oo dhibaato lagu haayo.