Abaanduulihii hore ee ciidamada xooga dalak Soomaaliya ayaa wuxuu eedeyn dusha uga tuuray Qurbajoogta kusoo noqotay Magaalada Muqdisho iyo siyaasiyiinta.
Dalka ugandha isago hada ku sugan Gen C/kariin yuusuf dhaga badan oo kamid ahaa saraakiihsii ciidan ee soomaaliya somaray gaar ahaan si ad ula soo shaqeeyay dowladaii KMG ahayd madxweyne Shariif Sh/axmad’ayaa waxaa uu kahadlay Amaanka dalka ee xilgan Aan wanaagsanayn.
Dhaga badan ayaa xusay in isaga u qabo fikrid ah in dalka amaan xumada haysata ay sabab teeda leeyihiin siyaasiyiinta ganacsatada qurba joogta waxaana uu tilmaamay in wax-walba oo ay awoodaan ay usameeynayaan sidii hamigooga siyaasadeed ay u hir-galin lahaayeen.
Generaal Dhagabadan ayaa wuxuu sheegay in dadka dibadaha ka yimid caruurtooda ay waxbarasho fiican geysteen, iyaga oo laabtoopyo gacmaha kuwatana ay Muqdisho kusoo noqdeen Qurbajoogta, kadibna ay raadinayaan kaliya xilal inay ka qabtaan dalka Sida Wasiir, Xildhibaan iyo Agaasime isaga oo isweydiiyay sababta dagaalada ay uga qeyb qaadan la’yihiin.
C/kariin yuusuf dhaga badan ayaa waxaa uu kula talinayaa dadka uu eedeynta usoo jeediyay in dalka horumarkiisa ay kashaqeeyaan.
Waxaa fikrada kala duwan oo ah sida dalka uu amaan uheli karo qaba masuuliyiinta dalka xilalka kasoo qabtay.
Idale News Online.