Gen. Fartaag oo loo diiday in uu yimaado Degmada Baled-xaawo Ee Gobolka Gedo.

0
184

Maamulka Ahlusunna ee Gobolda Koofur galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baled-xaawo u diiday in ay Booqasho ku yimaadaan Wafdi uu Hogaaminayo Gen. Fartaag oo ah Kuxigeenka Axmed Madoobe.

Teaser Image Fartaag oo loo diiday in uu yimaado Degmada Baled-xaawoAfhayeenka Maamulka Ahlusunna Sheikh Maxamed ‘Al-Qaadi’ oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan imaan karin Wafdigaasi Magaalada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo.

Al-Qaadi ayaa sheegay in Dagaalkii ka dhaxay Magaalada iyo Dadkii ku dhintay iyo kuwii Barakacay intuba ay Mas’uul ka yihiin Maleeshiyada Axmed Madoobe ee Jubba  sidaa daraadeed aysan imaan karin Degmada.

Waxaa uu intaa ku daray Al-qaadi in hadii ay yimaadaan Magaalada ay Dagaal ku qaadayaan oo Ahlusunna iyo Maleeshiyada Jubba  uu Dagaal u dhaxeeyo.

Degmada Doolow oo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa gaaray Maalin kahor Xubno uu hogaaminayo Kuxigeenka Axmed Madoobe Fartag.

Ugu yaraan 15 Qof ayaa lagu dilay Dagaal Todobaadkan ka dhacay Degmada, iyadoo sidoo kale Shacabka Deegaanka ah ay ka gudbeen Xadka Mandheera, si ay uga badbaadiyaan Naftooda Dagaal socda.

Ugu Dambeyntii Degmada Beled Xaawo, oo ku dhow Xadka Soomaaliya la wadaagto Kenya ayaa waxaa hadda Maamulkeeda gacanta ku haya Ururka Ahlu Sunna, oo si weyn uga soo horjeeda Maamulka Axmed Madoobe ee Kismaayo ka dhisan, waxaana ay Xariir la leeyihiin DFS.

Idale News  Online , Balad Xaawo, Gedo