Muqdisho(INO) — Garyaqaanka Guud ee Dowladda Somalia, Cismaan Cilmi Guuleed oo Maanta Warbaahinta kula Hadlay Muqdisho ayaa Waxba kama jiraan ku Tilmaamay Dacwadii dhawaan ay xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ka gudbiyeen RW Somalia Cumar C/rashiid Cali iyo Wasiirikiisa Arrimaha Gudaha, C/raxmaan Odawaa.
Dabayaaqadii bishii hore ee Jannaayo ayay 22-xisbi oo ka mid ah kuwa Soomaaliya ka jira ayaa waxay maxkamadda sare ee dalka u gudbiyeen Dacwad ka dhan ah RW Xukuumadda Somalia iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha, iyagoo ku eedeeyay inay hor-taagan yihiin meel-marinta sharciga Axsaabta dalka.
Shirka jaraa’id ee uu Maanta qabtay Garyaqaanka Guud ee Dowladda Somalia ayaa wuxuu ku sheegay in Sababta uu Dacawaddan u tuuray ay tahay inay gudbiyeen xisbiyo aan sharci ahayn, sidaas awgeedna aysan Awood u lahayn inay madaxda Dalka ka gudbiyaan dacwad.
“Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya waa la dacweyne karaa, laakiinse muhiimaddu waa in dacwaddaas ay noqotaa mid sharci ah oo soo martay nidaamka saxda ah,” ayuu shrkiisa jaraa’id ku yiri Garyaqaanka Guud ee dowladda federaallka Soomaaliya.
Wuxuu hadalkiisa raaciyay. “Dowladda Soomaaliya weli ma soo Saarin Sharciga Axsaabta Dalka, sidaas awgeed dacwadda xisbiyadu ma ahan mid sharci ah.”
Dhawaan ayay ahayd markii Guddoomiyaha Maxkamada Sare, Avv. Caydiid Ilka-xanaf uu warbaahinta u sheegay in loosoo gaarsiiyay dacwad ka dhan ah ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo wasiirkiisa arimaha gudaha, taasoo ay u soo gudbiyeen xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira.
Ugu dambeyn, Hadalka Garyaqaanka Guud ee Dowladda Somalia ayaa kusoo beegmayaa; xilli xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ay qorsheynayeen in dacwaddooda go’aan cad laga soo saaro.
Idale News Online, Muqdisho