Ganacsade saaka lagu dilay Magaalada Beladweyne

0
273

Baledweyne(INO)-Wararka ka imaanaya Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay saaka Magaaladaasi ku dileen nin ganacsade ahaa oo caan ka ahaa Magaaladaasi.

baladweyne1
Dilka Ganacsadahan, ayaa waxaa fuliyay rag hubaysan oo toogtay, xilli uu kasoo baxaayay aqalkiisa oo ku yaalo Galbeedka Magaalada Beladweyne, sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen.
Ganacsadaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xaaji Quuroow,sida uu Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Magaalada Beladweyne, Maxamed Cismaan Cabdi “Qalaafoow”.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobtii uu dilka ka dhacay, sida looga bartayna waxa ay halkaasi ka wadaan baaritaano ay ku baadigoobayaan cidii ka dambeysay dilka Nabadoonkaasi.

Idale News Online, Baledweyne.