Gabdho u Dhashey Eritrea oo Daacish Laga Soo Babdbaadiyey

0
202

Sirta(INO)- Ugu yaraan 13 gabdhood oo u dhashey dalka Erteeriya ayaa laga soo badbaadiyey kooxda ISIL ee la baxdey Dowladda Islaamka qaybta dalka Libya.

Gabdhahan ayaa ka mid ahaa dadka Libya u tegey in ay ka tahriibaan ka hor inta aysan ku dhicin gacanta Daacish.

Mid kamid ah Gabdhaha ayaa sheegtey in kufsi joogto ah ay u geysan jireen kooxda haysatey, waxaan ahayn ayey tiri kuwo aan awood lahayn, haddii aan diidno xarig ayey nagu xiri jireen oo nagu sameyn jireen waxa ay rabaan, gabadhan ayaa sheegtey in ay isku daydey in ay nafta iska qaado waxaana ka boodey ayey tiri dabaqa saddexaad si aan u badbaado ama u geeriyoodo, laakiin lugta ayey ka dhaawacantey.

Ciidamada Dowladda Libya oo weerar 6 bilood qaatey ku hayey magaalada Sirta ee Daacish qabsadeen mar sii horeysey ayaa gabdhahan iyo laba muwaadin oo kale oo u kala dhashey Masar iyo Turki ka soo furtey.

Tahriibta ayaa ah mid aad u khatar badan, waxaana jira gabdho aad u badan oo gacanta ugu jira kooxo denbilayaal ah, kuwaas oo kufsi joogto ah u geysta, ka hor inta aan madaxooda lacag lagu so furan