Dowlada wadanka Nigeira ayaa shaacaka qaaday in ay ogatay halka lagu haayo gabdhihii ay afduubteen kooxda Bokor haram ee dagalka xoogan kula jirta dowlada wadanka Nigeira. Gudoomiyaha Gobolka Borno ee ah halka gabadhaha laga afduubtay ayaa sheegay inay ka war heleen halka ilaa 200 gabdhihii ardayda ahaa ay la aadeen Kooxda Boko Haram. Kashim Shettima ayaa sheegay in lagu haayo gabdhahan xero milateri ay leeyihiin Boko Haram oo ku yaala howdka una dhaw xaduuda uu wadankaNigeria uu la wadaago wadanka Cameroon. Waxaa uu sheegay in aan wali laga tallaabin xuduuda Chad iyo Cameroon, balse ay rumeysan yihiin in meel u dhow xuduuda Cameroon lagu haayo gabdhahan. Goor sii horeysay Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay inuu marti gelinayo shir looga hadlayo kooxda Boko Haram oo ay ka soo qeyb galayaan dalalka Gobolka ee deriska la ah Nigeria.
Mr Francois Hollande ayaa sheegay in shirkan uu dhici doono maalinta Sabtida, hadii ay isku raacaan dalalka ka qeyb galaya. Kooxda Boko Harma ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay dardar galisay afduubka ay ku heyso gabdhaha wadanka Nigeria ee dhigta iskuulada wadankaas. Boko Harah ayaa si aad ah waxaa ay oga soo horjedaa warbarashada reer galbeed taas badalkeed waxaa ay dooneysa in wadanka oo dhan lagu barto diina Islaamka. Idale News Online.