Riqqa(INO)- Sida ay qoreen warfaafinta reer Galbeedka gabar qurux badan, oo aad looga helay quruxdeeda iyo xirfadeeda milatari ayaa kooxda ISIS ku dileen dagaal ka dhacay magaalada Manbij oo u dhow xuduuda Turkiga.
Asia Ramzan Anter oo aad looga helay quruxdeeda iyo xirfadeeda milatari ayaa kooxda ISIS ku dileen dagaal xoogganaa oo ay qeyb ka aheyd. Laakiin askarta ay ka mid ahayd Asia Ramazan Antar ayaa sida looga hadlay warbaahinta iyo baraha bulshada noqotay mid ay la yaabaan oo ay ka xumaadaan.
Asia Ramazan Antar oo 19 jir, ka timid magaalada Suuriya ee Kurdiyiinta ee Qamishli, ayaa waxaa dilay kooxda mintidiinta ee IS ee waqooyiga Suuriya bishii hore.
Iyagoo xooga saaraya warka ku saabsan quruxdeeda, qaar ka mid ah warbaahinta reer Galbeedka ayaa sheegay in loo yaqaanay “Angelina Jolie ee Kurdistan” oo lala matalay haweeneyda jilaaga caanka ah ee Hollywoodka ka tirsan Angelina Jolie.
Sanadkii hore inkastoo kooxo diimeed ay ka soo horjeesteen, ciidamada dumarka Kurdiyiinta ayaa u ololeeyay in Kurdiyiinta Suuriya ay aqbalaan sharci la samaynayo oo danbi ka dhigaya xadgudubka xooga la isticmaalo ee dumarka, guurka qasabka ah iyo dumarka badan ee la guursado.
Si loo hirgaliyo sharciga ayaa la sameeyay qayb boliis oo dumar ah oo hirgalisa sharciga.
Markii ay dhamaysay tababarkii milatari, Asia ayaa ku biirtay qaybta hore ee dagaalka looga soo horjeedo mintidiinta IS.
Asia Ramazan Antar ayaa ka qayb qaadatay shan dagaal, intaan lagu dilin Manbij oo u dhow xuduudda Turkiga 30 August.
Waxay hogaaminaysay koox, waxayna ridi jirtay qoriga darandooriga u dhaca. Labadii sano ee la soo dhaafay, lix ilmo adeeradeeda, ilmo abti iyo adeero ayaa sidoo kale ku dhintay dagaalka IS looga soo horjeedo.
Choman Kanaani oo ka mid ah dagaalyahanada ayaa ka xumaaday sida ay uga hadleen Asia Ramazan Antar warbaahinta reer Galbedka.
Wuxuu qaabilsan yahay dib u dhiska Kobane, oo ah magaalo Kurdi oo ay kooxda IS haysatay 2014-2015 intaysan ciidamada Kurdiyiinta aysan ka bixin mintidiinta magaalada.
“Falsafadeena oo dhan ayaa ah inaan la dagaalano in dumarka aan la takoorin oo aan laga dhigin wax la leeyahay oo kale.”
“Waxaan rabnaa inaan dumarka siino xaqooda ay bulshada ku leeyihiin iyo inay go’aan ka gaaraan waxa ay doonayaan inay sameeyaan” ayuu sheegay Kanaani.