Gaari Ismiidaamin lahaa oo gacanta lagu dhigey Magaalada Muqdisho.

0
196

Muqdisho  – Afhayeenka Booliska Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Gen.Maxa’ed Yuusuf Cumar Madaale ayaa sheegay inay ka war heleen in Gaari lagu soo xiray Walxaha qarxa lasoo geliyay Muqdisho.

Teaser Image Gaari Ismiidaamin ah oo lasoo geliyay Muqdisho

Maxa’ed Yuusuf Cumar Madaale oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in Gaari SURF ah, oo taargadiisu ay tahay AC: 8283 sidoo kale ay Muraayadiisu tahay BEENSAL/ Madow uu ku dhex jiro Muqdisho, waxaana Shacabka ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan.

“Shacabka Muqdisho waxaan ugu baaqaynaa inay Ciidamada Amaanka kusoo wargeliyaan haddii ay arkaan Gaariga, inta uusan fulin Weerar,” ayuu Maxa’ed Yuusuf Cumar Madaale.

Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Dowladda Soomaaliya ayaa hada kuguda jira Baadigoobka Gaarigaasi ay saaran yihiin Waxyaabaha qarxa ee Taliska Booliiska uu Digniinta ka bixiyay Maanta.

Waxaa sare loo qaaday Feejignaanta Ciidamada Amaanka, iyadoo la xiray Wadooyinka aada Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, Cabsi laga qabo Gaariga lasoo miidaamiyay in uu Weeraro Xaruumaha DFS.

Dhanka kale, Ciidamada Nabadsiga ayaa Muqdisho kusoo bandhigay Maanta 4 Qof & Labo Gaari oo la sheegay in lagu soo qabtay Howlgallo dhacay Bishii lasoo dhaafay 28-keeda.

Dadkan ayaa lagu soo bandhigay Xarunta CID-da, waxaana Booliska uu sheegay in ay kamid ahaayeen Kooxda Isbaaro dhigatay Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, oo Ciidamada ay soo qabteen.

Idale News  Online , Muqdisho