Muqdisho(INO)-Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo ku sugan Australia ayaa ka hadlay geerida Danjirahii Soomaaliya ee Switzerland Yuusuf Baribari oo ku dhintay Weerarkii Hoteelka Maka Al Mukarama ay ku qaadeen Shabaab.
Faroole ayaa ugu horeyn uga tacsiyeeyay Eheladiisa geerida Danjiraha oo uu Alle uga baryay in u u naxariisto oo janada galiyo.
Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Dadka u dhashay Puntland iyo kuwa kale ee kasoo jeeda Maamulada Koofur galbeed, Somaliland iyo Jubaland si gaar ah loogu bartilmaameedsado Magaalada Muqdisho..
Madaxweynihii hore Faroole ayaa shaaca ka qaaday in Ambasador Bari-bari ay u yeertay Dawlada Soomaaliya ,si Safaaradda looga badalo,xilli buu yiri aanan garanayn waxa reer Puntland ay ku haystaan Saafaradaha.
Dowladda kama aysan jawaabin eedeynta Madaxweynahii Puntland C/raxmaan Faroole.