Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh & Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxa’ed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa Maanta kulan kula qaatay Baydhobo Odayaal & Siyaasiyiin taageersan Maamulka 6-da Gobol.
Gudi ka kooban Odayaal iyo Siyaasiyiin matalaya Maamulka Lixda Gobolka, ayaa waxa ay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ugu tageen halka ay ka degen yihiin Baydhobo oo ay xarun Ciidan, iyadoo Sababo Amaanka uga baqaya in ay Gudaha Magaalada ku tagaan.
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kulankaan ku wehlinaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka, Xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa u sheegay Gudiga Odayaasha iy Siyaasiyiinta ah in Dowladiisa ay aas ugu adagtay in ay hadda taageerto mid kamid ah Labada Maamul ee 6-da Gobol iyo kan 3-da Gobol ka kooban, balse uu kala tashan doono Beesha Caalamka.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Kulanka uu kusoo dhamaaday Qaab isfaham ah, oo horseedi kara in Xal laga gaaro Xiisada Siyaasadeed ee ka jira Magaalada Baydhobo ee Xarunt Gobolka Baay.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in markale Safar ku tagi doono Baydhobo, isagoo wada Jawaab kama danbaysa ah oo ku aadan Maamulka ay Dowladiisa aqoonsantahay.
Madaxweynaha Maamulka Koonfura Galbeed ee Lixda Gobolka Madoobe Nuunow Maxamed, ayaa diiday in uu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu tago halka uu joogo, balse taasi badalkeeda uu u diray Odayaal matalaya Maamulkiisa.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxda Maamulka 3-da Gobolka, kahor inta uusan kasoo tagin Magaalada Baydhobo Saacadaha soo aadan.id
Idale News Online–Xafiiska Baydhaba.