Faarax Macallin oo soo dhaweeyay Joojinta Qaadka.

0
196

Muqdisho ( INO)-Guddoomiye ku xigeenkii hore ee  Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin  ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda Federaalka ay ku joojisay Qaadka loo soo iib geyn jiray Soomaaliya.

Faarax Macallin ayaa hoosta ka xariiqay in go’aanka dowladda Soomaaliya ee Qaadka la xiriira uu yahay mid wanaagsan isagoo hoosta ka xariiqay in dhalinyarada Soomaaliyeed Mustaqbalkooda uu lumiyay Qaadku islamarkaana ay haboontahay in dowladda Soomaaliyeed ay ku sii adkeysato Mowqifkeeda Qaadka.

“ waxaan kula dar daarmayaa dowladda Soomaaliya in in aysan ka laaban go’aanka ay ka qaadatay Qaadka” ayuu yiri Mr Faarax Macallin.

Ugu dambeyntii, 5-tii Bishaan 9aad ayey dowladda Federaalka ku dhawaaqday in ay si KMG ah u joojisay Qaadka.