Faallo: Tallo Aan Loo Wada Dhameyn, Cidii Ku Tilaabsataa Tabarteeda Ayaa U Run Sheegi Doonta! By: Wariye Cabdi Nuur Mayow Cali.

0
180

Baydhabo Janaay:  Gogashii shirweynaha lagu dhisayey dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya oo si rasmi ah loo furey January 2013 waxaa hogaanka gogosha la wareegey group is tusey inay iyaga ahaan doonaan hogaanka ka soo bixi doona gogosha shirweynaha aaya ka talinta deegaanada koofur galbeed soomaaliya, groupkan waxay ahaayeen 5 – 7 qof iyaga oo sidoo kalena si hoose ula heshiiyey 5-ta odey dhaqameed ee ugu fir fircoon ee gogosha shirweynaha ka qeybgelayey, waxayna marin habaabiyeen ujeedada gogosha loo fidiyey iyo sidii looga miro dhalin lahaa, shirweynaha waxay ku dabaqeen sidii ay u xaqiijin lahaayeen ujeedooyinkooda khaldan ee ay si hoose isku tuseen, waxayna ku dhaqaaqeen arimahan hoos ku xusan:-

  •    Isku koobid talada shirweynaha, qaabka ka qeybgalka shirka iyo cidda lagu martiqaadayo,
  •     Ku kicid heyb sooc siyaasadeed  iyo in ergada lagu soo dhaweeyo kumaa nala aragti noqon kara,
  •     Si toos ah iyo si dadbanba in loo xakameeynyeen talooyinka ka imaanaya waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada KGS, kuwaasi oo si madax banaan shirka uga qeybgelayey,
  •   Marin habaabin Jaaliyadaha dibadda ku nool ee ka soo jeeda deegaanada koonfur galbeed soomaaliya, si ay dhaqaale u soo ururiyaan iyaga oo qaar ka mid ah jaaliyadaha balamo aan jirin loo sheegey,
  •    Xamaasad aan waxba ka jirin iyo dib u dhac loo horseedo bulshada ku nool deegaanada KGS,
  •   Ka leexin wadada  saxda ahayd qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka deegaanada koonfur galbeed soomaaliya iyaga oo u sheegeen inay noqon doonaan AQALKA SANADKA isla markaana ay yihiin kuwa kaliya ee xaqa u leh inay doortaan madaxda dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya, waxayna arinkaasi ula jeedeen inay odayaasha dhaqanka ay wareeriyaan si ay u gaaraan.

Ujeedooyinkooda khaldan.

Akhristow waxaa xusid mudan, dowladaha ku mideysan daladda QARAMADA MIDOOBEYwaxay gaarayaan 196 dowladood oo ay ugu dambeysey dowladda K/suudaan, dhamaan dowladahaasi 196-ad ah waxaa ilaa iyo hada sheegta inay ku dhaqmaan nidaamka federaalka waa 75 dowladood, kama jirto dowlad goboleedyada hoostaga dowladahaasi 75-ta ah wax la yiraahdo AQAL SANAD, waxaan aad uga xunnahay in odayaasha dhaqanka la khaldo oo loo sheego nidaam aan dunidaba ka jirin, laakiin waxaa ilaah mahadiis ah in bulshada ku nool deegaanada koonfur galbeed soomaaliya ay hadda wax kastaba fahmeen, oo aan hada ka dib la khaldi Karin lana marin habaabin karin,

Kooxdaasi khaladey geedi socodka shirka, ma ahayan kuwo dadaalkooda ula jeedey ilaah dartiisa iyo in bulshadan dhibaateysan loo horseedo nidaam iyo horumar,

Hadii dadaalkoodu uu ahaan lahaa mid ilaah dartiisa loola jeedey mirihii ka soo baxay ayaa sii jiri lahaa,

“مـاكـان لله دام واتصـل ومـاكـان لغيـراللـه إنقطـع وانفصـل”

Wixii ilaah dartii loola jeedo way sii jirayaan wayna sii soconayaa

Wixii aan ilaah dartii loola jeedin way go’ayaan wayna joogsanayaan.

 Hadaba akhristow sow lama dhihi karo waxaa la gaarey waqtiga aan ku dhawaaqi lahayn oraahda ah (TALO AAN LOO WADA DHAMEYN CIDII KU TALAABSATAA TABARTEEDA AYAA U RUN SHEEGI DOONTA)

Akhristow wadada kaliya ee hadda noo furan waxay tahay inaan ka qeybqaadano midnimada iyo dib u heshiisiinta u socota siyaasiyiinta iyo waxgaradka dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya oo ay xukuumaduna garwadeenka ka tahay. 

 Mahadsanidiin

wariye mayow

Wariye Cabdinuur Mayow Cali, Idale news Online, Baydhabo Janaay.