Faahfaahin ku saabsan dagaalka Magaalada Gaalkacyo

0
248

Sabti November 28, 2016 (INO):  Dagaal culus ayaa maanta oo dhan ka socda magaalada Gaalkacyo, gaar ahaana Sohdimaha ku aadan Aagii wadadii ay Maleeshiyada Galmudug diideen in la dhiso iyo Baadiyaha ku xeeran, waxaana socda dagaal laysku adeegsanayo nooc kasta oo hubku yahay.

Madaafiicda waa weyn iyo Taangiyada dhawaaqooda ayaa laga maqlayaa deegaanada u dhaw dhaw magaalada Gaalkacyo, waxaana wali aan cadeyn tirada khasaaraha ka dhashay weeraradan socda.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C.kariim Guuleed oo ku sugan Cadaado ayaa ku eedeeyey dowlad goboleedka Puntland C/wali Cali Gaas in maamulkiiisu bilaabey dagaalkii saaka, waxaana sidoo kale R/Wasaaraha dowlada federaalka Cumar C/rashiid isna ku eedeeyey inuusan tagin sohdinta lagu muransan yahay ee keenay xiisada haatan ka taagan Gaalkacyo.  Waxuuna Guuleed shirkiisa jaraa’id ugu baaqey dowlada federaalka inay soo farageliso si aysan xiisada faraha ugu bixin, taasoo uu sheegay in dagaal baahsan oo gobolkaasi ka dhaca ay keeni karo burbur baahsan oo Somalia oo dhan wada saameeya.

Ilaa hadda dawladda Puntland wax hadal ah ma aysan soo saarin, balse goobaha Caafimaadka ayaa xaqiijiyey dhaawacyo badan in la keenay Isbitaalada magaalada Gaalkacyo.

Taleex-Dagaal-620x330-620x330

Warar laga helay labada dhinacba waxa ay xaqiijinayaan dhimashada in ka badan 19 qof oo ah dhinacyada dagaalamay, iyadoo uu walina si xowli ah ku socdo dagaalku.

Ciidamada Xooga Puntland ayaa dagaalka si rasmi ah ugu biirey goor dhaw, iyadoo maantadii ay hore ay dagaalamayeen ciidamada Birmadka iyo Dawladda Hoose ee magaalada oo la dagaalamaya Maleeshiyada laga keenay Koonfurta Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Idale News ONline, Gaalkacyo