Baydhabo(INO)- Madaxda Dowlada Federalka Soomaaliya, Madaxda Maamul goboleedyada Dalka ka jira iyo Wufuuda Beesha Calaamka ayaa dhamaan soo gaareen Magaalada Baydhabo Ee Xarunta gobolka Bay.
Sida a ay sheegayaan waxaa lagu wadaa inuu furmo shirka madasha wada-tashiga Qaran, kaasoo noqon doona kii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan Madaxda Soomaalida.
Ciidamada dowladda, kuwa Koofur Galbeed Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM ee Itoobiya ka socda ayaa ka qeyb qaadanaya sugida ammaanka magaalada, iyadoo ciidamada ay baro ciidan ka sameysteen gudaha iyo daafaha magaalada.
Saraakiisha Amniga Magaalada BaydhaboBaydhabo ayaa ku soo rogay awaamiir la xiriirta dhinaca amniga inta uu socdo shirka Madasha, waxaana magaalada laga mamnuucay mootada loo yaqaano bajaajta.
Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa lagu wadaa in lagu dhameystiro go’aanadii horay loo gaaray, isla markaana Madaxda isla dejiyaan qorshayaashii fulinta doorashooyinka dadban ee dalka ka dhici doona sida in lagu dhawaaqo waqtiga la qabanayo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, labadiisa kuxigeen iyo doorashada Madaxweynaha.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay