Faah Faahin: Labo Qarax oo lagu weeraray Ciidamada Dalka Kenya

0
181

Baladxaawo (INO)—Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxyo khasaaro geystay oo siyaabo kala duwan uga dhacay inta u dhaxeysa Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo iyo Magaalada Mandeera ee Gobolka Waqooyi ee Dalka Kenya.

Labo Qarax oo lagu sheegay miino nuuca dhulka lagu aaso ayaa lagu beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Kenya, xili ay howlgallo ka wadeen wadada xiriirisa Magaalooyinka Baladxaawo iyo Mandera.

Weerarada Qraxyada ahaa ayaa khasaaro u badan dhaawacyo waxaa la tilmaamayaa in uu ka soo gaaray Xoogaga Dalka Kenya oo halkaasi ka waday howlgallo raando ah.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in dhaawacyo dhowr ah loo qaaday Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Waxaa Dadka Degaanka ay sidoo kale xuseen in hakad uu galay isku socodka Dadka iyo Gaadiidka ee isaga kala guushi jiray Magaalooyinka Baladxaawo iyo Mandera, kadib Qaraxyadaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda Kenya oo ku aadan in Qaraxyadaasi khasaaro lagu gaarsiiyay Ciidamadooda.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyada  Qaraxyadaasi hadana qeybo ka mid ah Dalka Kenya waxaa Weeraro xoogan ka fuliyay Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Sikastaba, Boqolaal ka mid ah Ciidamada Dowladda Kenya ayaa loo soo daabulay Xadka kala qeybiya Dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii halkaasi maanta ay ka dhaceen labo Qarax oo lagu beegsaday Xoogaga Kenya.