Muqdisho(INO)— Weerar ayaa xalay abaarihii xilligii afurkii lagu qaaday gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan NISA, kuwaasoo marayay Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa.
Gaari yar oo kuwa raaxada oo ay la socdeen Ciidamada NISA ayaa waxaa rasaaseeyay gaari kale oo ay la socdeen ragg hubeysan.
Hal ruux ayaa ku dhintay rasaasta oo ka mid ahaa Ciidanka NISA, halka saddex kalena ku dhaawacmeen, iyadoo uu goobta ka baxsaday gaarigii ay wateen raggii hubeysnaa.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaariga yar uu soo ceyrsaday gaari kale, waxaana weerarka uu ka dhacay agagaarka Warshadii Barafuunka.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/kaamil ayaa sheegay in ciidamada NISA uu ka dhintay hal askari, halka saddex kalena ka dhaawacmay, waxaana uu xusay in durbadiiba Ciidamada ammaanka ay goobta gaareen, howl galana ka wadaan.
Waxaa uu sheegay in ciidamada ammaanka ay ku jiraan feejignaan sare oo ku aadan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada ay qorsheynayaan Al-Shabaab.
Barta Twitter-ka ee NISA ayaa xalay la soo geliyay sawirka Taliyaha Hey’adda Nabadsugida Jen, Tuur Yare oo dhiig u shubaya qaar ka mid ah askartii ku dhaawacantay weerarkii xalay.
Idale News Online, Muqdisho