Nairobi(INO) — Faadumo Axmed oo Muddo dheer ka Tirsanayd Ciidamada Difaaca Kenya, ayaa taariikh ahaan ku guuleystay iney noqoto haweeneydii ugu horeysay oo Ciidamada wadanka Kenya ka gaartay darajada Sareeyo guuto, iyadoo hada kadibna hogaamin doonto qeybta caymiska daaweynta ee ciidamada xooga dalka Kenya.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa shalay dalacsiiyay 14 Sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Kenya oo haweeneydaas ay kamid aheyd. Waxaana lagu sheegay dalacsiintaas iney timid kadib markii la ogaaday wax qabadka Saraakiishaas.
Faadumo ayaa lagu amaanay howlihii ay qabatay, waxaana la sheegay sanadii 1983 in markii ugu horeysay loo magacaabay iney ka mid noqoto haweenka ka shaqeeyo howlaha ciidamada Kenya ka hor intii aanan loo magacaabin sanadii 1985 Taliye ku xigeenka labaad ee ciidamada Cirka Kenya.
Sidoo kale, waxey horay u soo noqotay Taliye ku xigeenka labaad ee horin Ciidammo ah; iyadoona masuul ka noqotay howlaha hanti dhowrka ciidamada. Maamulka, shaqaalaha iyo diiwaankooda.
Taariikhda kooban ee Faadumo Axmed;
Faadumo Axmed oo hada noqatay Haweeneydii ugu darajada sareysay dhanka ciidamada Kenya, waxey ka qalin jabisay Mac’hadka difaaca Qaranka ee Jaamacadda Nairobi qeybteeda Diblomaasiyadda iyo Xiriirka Caalamiga ah. Sidoo kalana waxey Diploma dhanka Cilmiga Maareynta howlaha Xafiisyada ah ka qaadatay Jaamacadda Strathmore ee magaalada Nairobi.
Haweeneydaan Muslimka ah, ayaa intii ay ku jirtay howlaha Ciidamada waxaa la sheegay iney si wanaagsan u gudatay xilkeeda, isla markaasna ay ka soo baxday wixii loo igmaday; taasna ay hada ku muteysatay in xilkaan sare loo dhiibay.
Idale News Online, Nairobi, Kenya