Ex. Xildhibaan C/qaadir Shido,”Maamulka 3da Gobol waa fashilmay”.

0
212

Masuuliyiin kamid ahaa Maamulka saddexda Gobol ee dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay, ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen inuu fashilmay maamulka Saddexda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya.

Afhayeenkii Maamulka saddexda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya C/qaadir Shido oo la hadlay Warbaahinta ayaa si cad usheegay in maamulka saddexda Gobol uu fashilmay, masuuliyada fashilkaasina uu leeyahay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Xildhibaan Baarlamaanka dalka ka tirsan.

Wuxuu sheegay in hadii ay yihiin dadka kasoo jeeda Gobalka Shabeelaha hoose uu usheegayaa inay ka tashtaan aayaha Gobaladooda, isaga oo si cad utilmaamay inuu fashilmay Maamulka saddexda Gobol.

C/qaadir Shido, ayaa ku tilmaamay waqti badan iyo juhdi ay bixiyeen masuuliyiintii dhisay Maamulka saddexda Gobol uusan hada waxba ka jirin, sababtana ay tahay in Shariif Xasan uu maamulkaasi meesha ka saaray.

Baydhabo oo ah xarunta Gobalka Baay, waxaa ka taagan jahwareer siyaasadeed oo udhaxeeya saddex Gobol iyo lix Gobol, iyadoo hada Magaaladaasi ay joogaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda gaar ahaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo u tagay Magaaladaasi xalinta xiisadaha halkaasi ka taagan.

Hadalka kasoo yeeray masuulkan ayaa u muuqanaya mid sare u qaadaya niyada taageerayaasha M/mulka Lixda gobol, kaasoo hada u muuqda in uu si rasmi ah u hergali raba.

cabdiqaadir shido

Idale News Online, Baydhaba.