Ex. Xildhibaab Cali Seeko “Arrinta badda cid soo hadalqaadi karto majirto, Xasan, C/weli iyo Jawaari iyagaa tooda u yaaban”

0
185

Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliyeed, ayaa waxa uu sheegay in arrinta ku aadan in la bixiyay Badda, ay shaki badan gelineyso Ummada Somaliyeed.

Cali Maxamuud Faarax, ayaa wuxuu bidhaamiyay in maalmahaan ay soo baxayaan warar sheegaaya in Madaxda Dowladda, ay bixiyeen qaybo ka mid ah Badda Somaliya, si ay shidaal uga baarto shirkad laga maamulo dalka Kenya.

Cali Seeko wuxuu Madaxda Dowladda ku eedeeyay inaysan u naxayn dalka iyo dadka Somaliyeed, isla-markaana aynaan aqbali doonin in la bixiyo Badda.

“Awalba horey ayaysan nimankaan ugu naxayn dal iyo dadba, niman xishoonaayo maaha, mana bixin karaan Badda ay lee dahay Ummada Somaliyeed, mana aqbali doonto.” ayuu yiri Cali Maxamuud Faarax oo la hadlay Idaacada SKY NEWS ee Magaalada Muqdisho.

Siyaasiga Cali Seeko, ayaa carabka ku adkeeyay inaanay jirin cid bixin karta Badda Soomaaliya, wuxuuna Masuuliyiinta Dowladda ku eedeeyay inay arrimahoogii ga’been, iskaba daayee Bad ay bixiyaan.

“Arrinta Badda cid soo hadalqaadi karto majirto, Xasan, C/weli iyo Jawaari iyagaa tooda u yaaban, cidii ay heshiiska la galeen ayaa laga rabaa meeshii ay la taggi lahaayeen.” ayuu yiri Cali Seeko.

Heshiiska la hadalhaayo in loo gudbinaayo Qaramada Midoobe, ayaa wuxuu ku macneeyay mid markasta dareenkiisa xambaarsan, isla-markaana ay waxyaabahaan ku shaqo lee yihiin Dowladda waaweyn, sida uu yiri.

Wax kasta oo Qaramada Midoobe loo gudbinaayo waa wax keeni kara shaki weyn, arrintaana Dowladdo waaweyn ayaa ku lug leh.” ayuu yiri Cali Maxamuud Faarax.

Seeko, ayaa ugu dambeen sheegay inaysan maanta jirin Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo isku duuban, kana hortaggi kara waxyeelada ka dhanka ah shacbiga Soomaaliyeed.

Majirto Siyaasiyiin isku duuban oo ka damqaneysa dhibaatada lagu haayo shacabka, nimanka Madaxda ahna ma arkaan Siyaasiyiin ay ka cabsan karaan.” ayuu sii raaciyay Seeko.

cali seeko

Idale News Online, Muqdisho.