Baydhabao :Ayada oo dhawaan la dhisay gudi loogu magacdaray (steering committee) ama guddiga hagaya/jiheynaya shirka Baydhabo ayaa waxa ay guddiga gudahooda iska doorteen guddoomiye ayada oo codeyn ay sameeyeen xubnaha guddigaas oo ka kala socda lixda gobol ee maamulka loo dhisayo codeyntaasna waxaa ku guuleystay siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan kaasoo hada ah guddoomiyaha guddiga jiheynaya shirka Baydhabo.
Ex. Wasiir Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka mid ah ergayda ka socda gobolka Gedo oo qayb ka ah shirweynaha ka socda magaalada Baydhabo ee lagu dhisayo dowlad goboleed ay yeeshaan lixda gobol ee kala ah Bay, Shabeelada hoose, Gedo, Bakool, Jubbada hoose iyo Jubbada Dhexe.
Sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Bay, mudane Cabdi Aadan Hoosow, shirka ka socda magaalada Baydhabo ayaa soo gaaray hada heerkiisii ugu dambeeyay ayada oo dhawaan la filayo inay guddiga hagaya shirka mudo isbuuc gudaheed ah kusoo diyaariyaan qaabkii doorashada.
Idale News Online,